Xaflad loo dhigay arday ka qalin-jebisay Jaamacada PSU oo ka dhacday Garoowe (Masawiro)

March 9, 2014 - Written by Editor

IMG_0580Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qaybgalay xaflad qalin-jebineed oo loogu qabtay Jaamacadda PSU 119 arday oo ka baxay kuliyaddaha kala duwan.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaaji Warsame, Gudoomiyaha PSU Dr. Maxamuud Shiikh Xaamud, masuuliyiinta dowladda, wakiilo ka socday Hay’ addaha, waalidiin, aqoonyahano iyo ardeyda Jaamacadda ayaa ka soo qaybgalay munaasibadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bilawgii hadalkiisa hanbalyo u diray dhamaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda oo uu sheegay inuu kala qayb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen.

Waxa uu ka sheekeeyay Dr. Cabdiweli Gaas Taariikhdiisi Jaamacadda PSU Garowe oo uu bare ka ahaa 2008, isagoo mahad gaar ah u ceshay maamulka Jaamacadda oo u dhabar adeegay caqabado la soo gudboonaaday.

Waalidiinta dusha saartay inay waxbaraan ubadkooda ilaa heer jaamacadeed iyadoo la eegayo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira ayuu ku tilmaamay madaxweynaha Puntland arin u baahan in lagu bogaadiyo, isagoona balanqaaday ardayda dalka gudihiisa wax ku bartay inay mudnaanta kowaad yeelan doonaan.

no images were found

Madaxweynuhu waxa uu shaaca ka qaaday inay xukuumaddu kordhin doonto Miisaaniyadda waxbarashada, waxana Ganacsatada uu ugu baaqay bixinta canshuuraadka si ardayda reer Puntland u helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online