Culimo’udiin Sacuudiyaan ah oo safar Dacwo ku yimid Dalka Koonfur Afrika.[Masawiro]

June 15, 2014 - Written by Editor

4aadJohannesburg:-Waxaa maanta oo Sabti ah 10kii iyo 50 daqiiqo AM, ku yimid dalka Koonfur Afrika safar dacwo culimo sucuudiyaan ah oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg, culimadaan oo ka soo duulay magaalada jeddah ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas,uuliyiinta ka tirsan Majliska Al-bayaan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha guud ee Majliska Albayaan sheekh xasan guure, sheekh axmed dheere oo ah xoghayaha guud ee albayaan, Sheekh.Yuusuf xubin ka mid ah aasaasayaasha Majliska albayaan, sheekh Maxamed Aadan Abdile masuulka Al-bayaan ee dacwada gobolka Gauteng, Macalim Cali Ibraahim imaamka masjidka shaafici ee Johannesburg iyo ducaad kale.

Waxaa ay wafdiga culimada ka koobnaayeen labo sheekh oo kala ah Dr. Cali bin Saalix Muxamed Al-maxmaadi oo ka mid ah culimada waawayn ee dalka Sacuudiga kana mid ah macalimiinta iyo masuuliyiinta jaamacada Makkah Al-mukarama ee umul quraa, kuna takhasusay Usuulu fiqi, iyo Sh.Axmed bin Muxamed bin Cabdallah Al-khayri oo ka mid ah ducaada dalka Sacuudiga.

Culimada oo marti u ahaa Jaaliyadda muslimka ee Koonfur Afrika waxaa si gaar ah marti ay ugu yihiin majliska dacwada ee Al-bayaan, culimada oo dalkan ku sugnaan doonto haddii Allah yiraahdo ayaa caawaba ka bilaabay muxaadaro iyo kulan furan masaajidka Shaafici ee ku yaalo johannesburg bacadal Maqribkii, iyadoo la filaayo mudada kooban ee ay ku sugan yihiin dalkan in ay soo jeediyaan muxaadaraad, dowraad, kutub risaalooyin ah oo cilmi ah, waxayna ka soo jeedin doonaan duruustaas sedexda magaalo ee waawayn ee dalkan oo kala ah johannesburg, Capetown,iyo Pretoria.

waxaa ay ku sugaan doonaan dalkan Koofur afrika mudo 10 casho ah, waxaana soo xaadiray muxadaradii koobaad ee caawa iyo kulankii furnaa ee ka danbeeyay dadwayne aad u badan oo muslimiin ah oo u badnaa soomaali iyadoo culimda ay ku soo jeedinayeen duruustooda luuqada carabiga. Culimada oo ka hadlay caawa bacdal cishaa kulan ay la yeesheen ducaada magaalada johannes burg ayaa aad ugu mahadceliyay ducaada iyo sida ay u jecel yihiin culimadooda iyo sidda ay u soo dhaweeyeen, waxayna u balanqaadeeen inta ay joogaan in ay intay awoodaan oo muxaadaraad iyo dowraad ay soo jeedin doonaan insha allah.

no images were found

Waxaa Diyaariyey
Maxamed Aadan Abdile
Madaxa Dacwada Al-Bayaan
ee Gobolka Gauteng

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online