Dowradii dhalinyarada oo ka bilaabatay Masjidka Alhudaa ee magaalada Helsinki.[Masawiro]
June 5, 2014 - Written by EditorHelsinki :-Waxaa shalay oo Arbaca ah si habsami leh uga bilowday Masjidka Al-huda ee magaalada Helsinki ee dalka Finland mu’tamarkii iyo dowradii dhalinyarada ee ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada ee Horseed oo ah urur ay ku bahoobeen dhalinyarada masjidka ee wiilal iyo gabdhaba leh kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo wacyigalinta dhalinta waxyaabaha la xiriira arrimahooda diinta, nolosha, waxbarashada iyo nashaadaadka kaleba.
Waxaa maanta muxaadarooyin ka soo jeediyay Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil oo ka hadlay ” sababaha lagu soo afjaro khilaafka” Sh Dr Cali Maxamed Saalax oo ka hadlay” Dadka uu Allaah ugu Jecel yahay waa kuwa dadka wax tara” iyo Sh Dr Cabdiweli Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka hadlay ” ku cibri qaadashada dardaarankii Luqmaan ee wiilkiisa”.
Muxaadarooyinkaasi waxay ku dhaceen jawi aad u wanaagsan iyadoo dadweynuhu ay soo buux dhaafsheen Masjidka iyadoo isha Allaahu ay sii socon doonaa muxaadaraadka iyo dowrada dhalinyaraduba. Waxaana ay howshu u dhici doontaa qaab ah in dadweynaha guudna ay muxaadarooyinku uga socdaan Masjidka, halka dhalinyaradana Qaaco u khaas ah lagu siin doono duruuso la xiriira Siirada, Cilmiga musdalaxa iyo qaar ka mid ah Axaadiista Nabiga NNKH.
no images were found
Abdirizaq Sugule
Helsinki,Finland