Dowradii dhalinyarada oo ka bilaabatay Masjidka Alhudaa ee magaalada Helsinki.[Masawiro]

June 5, 2014 - Written by Editor

1Helsinki :-Waxaa shalay oo Arbaca ah si habsami leh uga bilowday Masjidka Al-huda ee magaalada Helsinki ee dalka Finland mu’tamarkii iyo dowradii dhalinyarada ee ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada ee Horseed oo ah urur ay ku bahoobeen dhalinyarada masjidka ee wiilal iyo gabdhaba leh kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo wacyigalinta dhalinta waxyaabaha la xiriira arrimahooda diinta, nolosha, waxbarashada iyo nashaadaadka kaleba.

Waxaa maanta muxaadarooyin ka soo jeediyay Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil oo ka hadlay ” sababaha lagu soo afjaro khilaafka” Sh Dr Cali Maxamed Saalax oo ka hadlay” Dadka uu Allaah ugu Jecel yahay waa kuwa dadka wax tara” iyo Sh Dr Cabdiweli Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka hadlay ” ku cibri qaadashada dardaarankii Luqmaan ee wiilkiisa”.

Muxaadarooyinkaasi waxay ku dhaceen jawi aad u wanaagsan iyadoo dadweynuhu ay soo buux dhaafsheen Masjidka iyadoo isha Allaahu  ay sii socon doonaa muxaadaraadka iyo dowrada dhalinyaraduba. Waxaana ay howshu u dhici doontaa qaab ah in dadweynaha guudna ay muxaadarooyinku uga socdaan Masjidka, halka dhalinyaradana Qaaco u khaas ah lagu siin doono duruuso la xiriira Siirada, Cilmiga musdalaxa iyo qaar ka mid ah Axaadiista Nabiga NNKH.

no images were found

 

Abdirizaq Sugule
Helsinki,Finland

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online