Gudoomiyaha Baarlamaanka Qof walba Oo Soomaali ah waxaa Waajib ku ah Difaacidda Gobonimadeenna

June 26, 2014 - Written by Editor

_DSC0504Muqdisho:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambal yeeyey Munaasabadda 26ka June oo ku beegan caawa oo kale 54sano kadib markii ay gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska. “Anigoo ku hadlaaya magaca Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kana wakiil ah dhammaan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, iga guddooma salaam diiran, qaddarin gaar ah iyo HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO ku aaddan sannadguurda 54-aad iyo habeenkan xusuusta mudan oo gobollo ka mid ah dalkeena hooyo ay xorrobeen, dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed waan ugu hambalyeeynayaa munaasabaddan qiimaha leh” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waa waajib muwaaddin kasta u xilsaaran in midnimada iyo difaaca dalkeena loo wada guntado, Gobannimada iyo sugidda ammaanka umaddeenana u wada duubano.

Ugu dambayentii waxaa Allahu swt ka baryeynaa in quluubteena isu soo wada dumo,wixii dhexdeena ah oo aan isku maandhaafnayna in uu si san, warsan iyo si suuban noogu islaaxiyo. Waxaan Allahu swt ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwii dhallinteena dhaxal wanaagsan u reeba, oo adduunyadooda ku dhaqdaan aakhiradoodana uga tabaasheystaan. Barbaarteenana inuu xilqaadiyaal suuban oo barakeysan inooga dhigo inta dhunsanna inoo soo hanuuniya… aamiin! Aamiin! Allahayow amiin! Mar kale Hambalyo iyo isu soo hoyad wanaagsan Wassalaamu Calaykum wa RaxmatuLlahi wa Barakaatuh

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka
Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online