Kulankii Sh Umal iyo Ardayda Jaamacadda Nugaal University ee Laascaanood[Masawiro]
June 7, 2014 - Written by EditorWaxaa galabta kulan soo dhaweyn ah uu ka dhacey xarunta New Campus ee Jaamacadda Nugaal University ee Magaalada Laascaanood waxaana lagu soo dhaweynayey Sh.Maxamed Cabdi Umal oo Safar Dacwadeed ku jooga Magaalda Laascaanood ee xaruta Gobolka Sool. Kulanka ayaa waxaa ka soo Qayb galay Ardeyda Jaamacadda Nugaal , Kuwa Dugsiyadda Sare , Machadak Caafimaadka iyo Ardeyda Machadka Alfurqaan ee Culuum-ta Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka iyo Qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood.
Kulankaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Maamulka iyo Bahda Jaamacada Nugaal, waxaan hadalo kooban oo ka jeediyey Prof.C/Risaaq Lafoole isagoo ka hadlay Taariikhda iyo wax qabadka ay Jaamacada,iyo Heerarkeeda Waxbarasho dhamaan Kulliyadaha kale duwan ee Jaamcadda. Sidoo kale waxaa kulanka ka hadley Gudoomiyaha Hay’ada ALKARAM Sh.Axmed Maxemed Suleymaan .
Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa Ka Jeeddiyey Lecture Kooban oo Cinwaankiisu ahaa Sidee baad Ku Noqon Kartaa Qof Dhallinyaro ah oo Ku Barbaara Cibaada Alle .Wuxuu Shiikhu Ku Wacdiyey Ardeyda Waxyaabaha ay Waajib tahay Inay Bartaan, Iyo Waxyaabaha ay Sunne tahay Barashadooda.
Wuxuu Shiikhu Ardeyda kala Hadley:
Dhibaaatada Tahriibka , Qabyaalada, Aqoondarda heystada dadka badankooda,dhibaatada Internetka , iyo Inay yihiin dhallinyaradu dadkii Bulshada ay wax u baranayey, Lana Sugayey. Shiikhu Wuxuu yidhi :Waxaan soo marey Afar Jaamacadood -Tani Ku jirto- Ardeyda Wax ka Barata 90 % Waa dad ay ka Muuqato Sunnaha iyo Muuqaalka Diimeed , Taasina Waa Waxaanu ku Farxney , Una Bahan inaad Alle uga Mahad naqdaan.
Gudoomiyaha Jaamacadda ayaa Gudoonsiiyey Shahaado Sharaf ay u Diyaariyeen Shiikha Ummada Soomaaliyeeed ee Sh Cabdi Umal. Ugu Danbeyntii Wuxuu Shiikhu Amaaan iyo Duco isugu Darey Bahdaa Jaamacadda Nugaal, Ardeyda iyo Bulshada ku Dhaqan Gobolka Sool.
no images were found
Hoos ka Daawo Masawiro ka mid ah muxaadaradii uu caawa Sh Maxamed Cabdi Umal ka jeediyey Masjid Jaamac Laascaanood
no images were found
Mu’ssadda Al-karam
Laascaanood