Kulankii Sh Umal iyo Ardayda Jaamacadda Nugaal University ee Laascaanood[Masawiro]

June 7, 2014 - Written by Editor

2Waxaa galabta kulan soo dhaweyn ah uu ka dhacey xarunta New Campus ee Jaamacadda Nugaal University ee Magaalada Laascaanood waxaana lagu soo dhaweynayey Sh.Maxamed Cabdi Umal oo Safar Dacwadeed ku jooga Magaalda Laascaanood ee xaruta Gobolka Sool. Kulanka ayaa waxaa ka soo Qayb galay Ardeyda Jaamacadda Nugaal , Kuwa Dugsiyadda Sare , Machadak Caafimaadka iyo Ardeyda Machadka Alfurqaan ee Culuum-ta Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka iyo Qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Kulankaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Maamulka iyo Bahda Jaamacada Nugaal, waxaan hadalo kooban oo ka jeediyey Prof.C/Risaaq Lafoole isagoo ka hadlay Taariikhda iyo wax qabadka ay Jaamacada,iyo Heerarkeeda Waxbarasho dhamaan Kulliyadaha kale duwan ee Jaamcadda. Sidoo kale waxaa kulanka ka hadley Gudoomiyaha Hay’ada ALKARAM Sh.Axmed Maxemed Suleymaan .

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa Ka Jeeddiyey Lecture Kooban oo Cinwaankiisu ahaa Sidee baad Ku Noqon Kartaa Qof Dhallinyaro ah oo Ku Barbaara Cibaada Alle .Wuxuu Shiikhu Ku Wacdiyey Ardeyda Waxyaabaha ay Waajib tahay Inay Bartaan, Iyo Waxyaabaha ay Sunne tahay Barashadooda.

Wuxuu Shiikhu Ardeyda kala Hadley:

Dhibaaatada Tahriibka , Qabyaalada, Aqoondarda heystada dadka badankooda,dhibaatada Internetka , iyo Inay yihiin dhallinyaradu dadkii Bulshada ay wax u baranayey, Lana Sugayey. Shiikhu Wuxuu yidhi :Waxaan soo marey Afar Jaamacadood -Tani Ku jirto- Ardeyda Wax ka Barata 90 % Waa dad ay ka Muuqato Sunnaha iyo Muuqaalka Diimeed , Taasina Waa Waxaanu ku Farxney , Una Bahan inaad Alle uga Mahad naqdaan.

Gudoomiyaha Jaamacadda ayaa Gudoonsiiyey Shahaado Sharaf ay u Diyaariyeen Shiikha Ummada Soomaaliyeeed ee Sh Cabdi Umal. Ugu Danbeyntii Wuxuu Shiikhu Amaaan iyo Duco isugu Darey Bahdaa Jaamacadda Nugaal, Ardeyda iyo Bulshada ku Dhaqan Gobolka Sool.

no images were found

Hoos ka Daawo Masawiro ka mid ah muxaadaradii uu caawa Sh Maxamed Cabdi Umal ka jeediyey Masjid Jaamac Laascaanood

no images were found

Mu’ssadda Al-karam
Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online