Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

June 27, 2014 - Written by Editor

uhuru-gaasNairobi:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Galinkii Dambe ee maanta Kullan kula qaatay Magaalada Nairobi Madaxwaynaha Dalk Kenya Uhuru Kenyatta. Kullanka uu Madaxwayne Gaas la qaatay Uhuru Kenyatta waxaa ku wehliyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo Sidookale Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa Xoojinta Xirriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya Dowladaha Puntland iyo Kenya,Amniga,Siyaasada iyo sii wadida Ganacsiga labada dal, Arrimaha Federalka iyo Dismaha Maamul Goboleedyada Dalka Soomaliya. Madaxwayne Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Uhuru Kenyatta waxa ay isla qaaten in Puntland iyo Kenyaba Xafiisyada qunsuliyadahooda ka furtaan Magaalooyinka Garoowe iyo Nayroobi. Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.ayaa mudadii uu kullanku socday Madaxwayne Gaas ugu hambalyeeyay Guushi uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Gudaha Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe.

Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha
Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online