Madaxwaynaha Puntland oo la kulmay Madaxda Bangiga Aduunka & Madaxda Hay’adda Newport Security Company.[Masawirro]

June 25, 2014 - Written by Editor

BangiNairobi:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kullan Dalka Kenya kula qaatay Madaxda Bangiga Aduunka (World Bank ), Madaxda Hay’adda Newport Security Company iyo Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya. Madaxwayne Gaas iyo Madaxda Bangiga Aduunka ayaa waxa ay kawada hadleen (infrastructure development)-dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, (Public Financial Management) – Agaasinka maaliyadda dowliga ah, (Civil Service Reform) – Habaynta shaqaalaha rayid’ka ah, (Capacity Building support) – Tageeridda tayeenta shaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka wanaagsan ee Bangiga iyo Puntland.

Madaxwayne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyay in lagama maarmaan aytahay in Bankiga Aduunku uu Dowladda Puntland ka taageero dhisida kaabayaasha dhaqaalaha sidookalana taageero tayeynta shaqaalaha oo muhiim ah si Puntland u hormarto. Kor uqaadida xiriirka wada shaqayn ee u dhaxeeyay Dowlada Puntland iyo Sidookale Bangiga Aduunka ayaa laysla meel dhigay labada dhinac mudadii uu shirki socday.

Sidookale Madaxwayne Gaas ayaa lakulmay Madaxda Hay’ada Amniga ee Newport Security Company arimaha ugu waaweynaa ee laga wada hadlayna waxaa kamid ahaa sidii hay’adaasi khibrada dhanka amaanka ah ee ay leedahay Puntland ula wadaagi lahayd. Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Ambassador Josphat k. Maikara iyo kullankii uu Madaxwayne gaas la qaatay safiirkaasi ayaa waxaa laga wada hadlay qodobo ay kamid ahaayen xoojinta xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Kenya oo laysku afgartay.

In Dowladda Kenya ay gudaha Puntland ka furato qunsilayad gooni ah,sidoo kalana Puntland ay qunsuliyad ka furato iyana gudaha dalka Kenya si loo xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya labada Dowladood.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta

Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online