Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo u amba baxay dalka Masar
June 7, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu hogaaminayo ay maanta ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana ay ku sii jeedaa dalka Masar.
Wafdiga uu hogaamainnayo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan xalada caleema saarka Madaxweynaha talada xukunka Masar ku qabsaday inqilaabka Jen Cabdifitaax Siisii.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaardaha ku sii sogootiyey Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh iyo masuuliin ka tirsan labada gole,
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaan madaxda dalka Masar .
A/Cawale
Halgan.net