Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Camay oo Garowe kaga qayb galay Xuska 26-ka Juun.[Masawiro]

June 26, 2014 - Written by Editor

IMG_9968Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland ahna siihayaha xilka Madaxwaynaha Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Cumar Camay ayaa Magaalada Garowe maanta kaga qeyb-galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey 54 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay xorroobeen gobollada waqooyi isl-markaana ciida Soomaaliyeed laga taago calanka Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay Aqalka Golaha Wakiilada Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,Mudanayasha Baarlamanka Puntland,Culimo,Waxgarad,Haween,Dhalinyaro,saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Marti sharaf kale. Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland ahna siihayaha xilka Madaxwaynaha Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Cumar Camay oo soo xiray xafladda ayaa marka hore hambalyo ku aadan 26-Juun u diray dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed meel walba oo ay  joogaan.

‘’Meelkasta oo ay joogaan ciidamada iyo saraakiishooda waxaan iyana udiraya Hambalyo kal iyo lab ah ‘’Ayuu yiri Madaxwayne ku xigenka Puntland C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay. Madaxweyne ku xigeenka ayaa shacabka ugu baaqay in loo wada midoobo sidii loola dagaalami lahaa cadow kasta oo iskudayaya inuu wax u dhimo nabad galyada ka jirta Puntland,waxana uu fariin cad u diray cidii isku dayda in khal khalgaliso amaanka Puntland .

Mar uu Madaxwayne ku xigeenku ka hadlay Dhibaatada Tahriibta ayuu Madaxwaynuhu ku baaqay in laga waantoobo maadaama aysan kujirin wax faa’iido ah lagana dhaxlayo bur bur baahsan iyo in kumanaan dhalinyaro soomaali ah naftooda ku waayan Tahriibta.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online