Maxamed Saciid Atam oo isku dhiibay DFS kana sheegtay Axmed Godane

June 7, 2014 - Written by Editor

Maxamed-Sacid-AtamMuqdisho:-Waxaa goordhaw isku dhiibay ciidanka DFS Maxamed Saciid Atam oo ah hogaamiyihii hore ee kooxda Al-Shabaab ee Galgala waxaana uu aad uga sheegtay amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane.Wasiirka warfaafinta ee DFS ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Maxamed Saciid Atam oo maanta isku dhiibay wúxuuna sheegay wasiirku in Atam uu kashifay xaqiiqada kooxda Axmed Godane.Maxamed Saciid Atam ayaa waxaa ka soo baacsaday Galgala Yaasiin Kilwe oo uu Axmed Godane u magacaabay buuraleyda Galgala .Kooxda Al-Shabaab ee Galgala ee uu hogaamin jiray Maxamed Saciid Atam ayaa ku dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo dad aad u badan .

Nin walba oo ay is khilaafaan Amiirka Al-Shabaab waxaa uu sheegaan intii ay culumada Soomaaliyeed ka qeylin jireen hadaba su,aashu waxay tahay maxaa aamusiya inta ay shabaab la joogaan oo ay umada Muslinka ah leynayaan.

Wasiirka  warfaafinta ee DFS ayaa warsaxaafadeed ka soo saaratay Maxamed Saciid Atam oo isku dhiibay waxaaana uu u qornaa sidan.

Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Dowladda Somalia, Waxaaradda Warfaafintu waxey ammaaneysaa doorka Sheekh Maxamed Saciid Atom oo uu iska diiday ka mid noqoshada Al-Shabaab, annagoo rajeyneyna in go’aanka geesinimada leh uu dhiiri gelin doono kuwal Al-Shabaab la jooga inay tusaale ka dhigtaan oo midnimada iyo nabadda dalka ka qeybqaataan.

Sheekh Atom waxaa kashifay xaqiiqada dhabta ah ee Al-Shabaab oo ficilkoodu uusan aheyn mid Islaamka iyo Soomaalinimada aaminsan oo ay kooxo ajaanib ah ay ku amarku taagleeyaan oo ay dhexdooda isku diraan. Macluumaadka hoose ee uu ka bixiyey ku hoos noolaanshaha kooxaha Al-Shabaab ayaa si buuxda uga soo horjeeda beenta iyo mala-awaalka ay warbaahinta ka sheegan jireen, shacabka Soomaaliyeedna aad bey uga mahadcelinayaan Sheekh Atom inuu ka shifay beentii ay dhoodhoobi jireen kooxahan argagaxisada ah. Diidmada ay dadka u diideen in gar-gaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo ayaa ah dembi laga galay shacabka Soomaaliyeed, Sheekh Atom cabirkiisa ku wajahan arrinkan ayaaba dhameystiraya fikirkan qaldan oo uu yiri “Kama naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysato, sida kuwa barakacayaasha ah oo ay ka hor-istaageen in la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo ee ka kala imaanayey dhammaan beesha caalamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dhowr jeer bey ku celcelisay in cid allaale iyo cidii fahamta khaladka ay ku jirto oo caddeysa inay qoryaha iska dhigeen in la siinayo fursad ay shacabka uga mid noqdaan oo la badbaadinayo. Sida uu sheegay Sheekh Atom, fikir kala duwanaanshaheena waxaan ku dhameyn karnaa si nabad ah “Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka caddeeyo laga bilaabo maanta inaan go’aansaday inaan ku xaliyo arrimaheyga diinta iyo siyaasaddaba is nabad ah iyo is faham.” Sheikh Atom ayaa sidaas yiri.

—DHAMAAD—
Wasaaradda Warfaafinta.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online