Puntland, DFS oo shaaciyey in maalinta beri ah aysan ahayn Ramadaan
June 27, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa caawa shaaciyey in aysan maalinta beri ah aysan ahayn Ramadaan balse ay bisha shacbaan la dhamaystirayo oo maalinta Axad ah ay bisha Ramadaan ay bilaabanayso. Wasiirka Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ku dadaalayso i shacabka ku noole degaanada Puntland ay isku mar soomaan oo laga fogaado wax khilaaf ah dowladda iyo culimaduna ay arrinkaas xil ska saari doonaan.
Wasiirka ayaa xusay in aysan ilaa hadda jirin cid aragtay bish Ramadaan gudaha Soomaaliya ama deegaanada Putland sidaas darteeda laga rabo in dadweynahu in ay dhamaystiraan bisha shacbaan maalita beri si maalinta Axad ah si simad loo wada soomo.
Dhinac kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in maalinta beri ah aysan ahayn Ramadaan lana dhamaystirayo bisha Shacbaan waxaan ay ka digeen wax khilaaf ah. dhawaan ayaa Rai’iisul kuxigeenka ahna wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Ridwaan uu Telefishanka Dowladda ee SNTV uu ka sheegay in maalita beri ah aysan soon ahayn oo la dhamaystiray bisha Shacbaan.
M_M_Deeq
Halgan.net