Puntland oo soo dhaweysay in Maxamed Siciid Atam uu iskaga baxay Al-shabaab.[Dhagayso]

June 7, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasGaroowe:-Dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay waxaa ay si rasmi ah u soo dhaweysay in hogaamiyihii hore ee ururka Al-shabaab ee Buuraha GalGala Maxamed Siciid Atam uu isku dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo arrinkaas ku tilmaamay  guul in Maxamed Siciid Atam uu ka baxo Kooxda xagjirka ah ee A-shabaab. Wasiir amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Alloore ayaa sheegay in ay la socdeen mudo 10 cisho ah ka hor in Hogaamiyihii hore ee Al-shabaab  Maxamed Siciid Atam uu doonayo in uu isku dhiibo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna soo dhaweynayaan arrinkaas.

Wasiir amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Alloore ayaa sidoo kale saxaafadda u sheegay in Hogaamiyihii hore ee Al-shabaab  Maxamed Siciid Atam uu 2012 isku dayey in uu isku dhiibo Puntland balse la isku afgaran waayey shuruudo jiray awgood. Maxamed Saciid Atam ayaa waxaa lagu xasuusta dagaalo dhowr ah oo 2010 Buuraha Gal-gala ku dhexmaray ciidanka daraawiishta Puntland oo uu hogaaminayeen Gen Siciid Dheer, wasiirkii hore ee amniga Puntlad Cabdi Jamaal iyo ciidamo Al-shabaab ah oo uu hogaami nayey Maxamed siciid Atam dagaaladaas oo galaaftay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanka Galgala.

Hoos ka Dhagayso Wasiir amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Alloore oo ka hadlay Maxamed Siciid Atam

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/200ulq7x8x/AlooreAtam.mp3]

Dhinaca kale Madaxwaynaha Dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda VOA ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan in Hoggaamiyihii ururka Al-shabaab u qaabilsanaa Buuraha Galgala ee Maxamed Siciid Atam. Madaxwaynaha Dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qofkasta oo ka baxa Al-shabaab isagoo sheegay in arrinkaas dhalin yaro badan oo ka tirsan Al-shabaab guud ahaan ama gaar ahaan uwa ku jira Buuraha Galgala ayey dhiiri gelin u tahay.

Hoos ka Dhagayso waraysiga VOA ee uu Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas uga hadlay  Maxamed Siciid Atam

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/bulrat1m3y/waraysiGaas.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online