Sh.Maxamed Macalin oo booqday Dawrada ay Munadamada Beder ka wado Gaalkacyo.[Masawiro]

June 25, 2014 - Written by Editor

DSC09257Gaalkacyo :- Booqashadaani uu Sh.Maxamed Macalin Axmed ku booqday Ardayda wax kabarata Dawrada ay Munadamada Beder ee Ardayda ka baxday Machadka Al-Faaruuq ka wado Magaalada Gaalkacyo laguna Qabtay Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo) ayaa waxaa ku weheliyay Maamulaha Machad ka Al-Faaruuq Sh.Cilmi Yuusuf Axmed , Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise , iyo Xubno kale oo Mu’asasada ka tirsan.

Ujeedka Booqashada Sh.Maxamed Macalin ayaa waxaa ay ahayd sidii uu Waano iyo dardaaran ugu soo jeedin lahaa Ardayda uguna dhiiri galin lahaa inay sii wadaan Barashada Diinta oo aysan ku ekayn Dawradaan oo kaliya. Sh.Maxamed ayaa waxaa uu ardayda uga waramay Faaidada iyo Fadliga dheeriga ah ee Barashada Diintu ay leedahay waxaana uu sheegay in Qofka uu Alle khayrka la doono uu fahansiiyo Diinta iyada oo Barashada Diintuna ay tahay Wadadii loo marayay Fahanka diinta.

Dawrada oo ay ka faaidaysanayaan Rag iyo Dumarba ayaa waxaa Sh.Maxamed Macalin uu aad ugu dheeraaday Waanada Gabdhaha oo ah Hooyooyinka Mustaqbal , islamarkaana ah Tirada ugu badan ee Ardayda ka faaidaysanaysa Dawrada dawrka Dhaliyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Alle iyo Fidinteeda ayuu Sh.Maxamed Macalin ku dhiiri galiyay inay ka soo dhalaalaan oo ay u gutaan si qurux badan ayna ku daydaan Dadkii ka horeeyay iyada oo kaalinta Dhalinyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Allana ay iskugu soo biya Shubanayso in Dhalinyaradu :-

• In ay Cilmiga Shareecada Bartaan.

• In ay ku Dhaqmaan Cilmiga ay Barteen.

• In ay ka fogaadaan Khilaafka iyo kala taga Dadkana ay ugu digaan.

• In  ay ku dadaalaan isu soo dhawaynta Quluubta Dadwaynaha Muslimiinta ah.

• In ay Dadka caawiyaan ayna Wanaaga faraan Xumaantana ugu digaan.

• In ay aad ugu dadaalan Dadka inay Dacwada u gaarsiiyaan Qof , Qof.

• In ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Dacwada Diinta Islaamka iyo kuwo kale oo fara badan.

Si kastaba ha ahaateen Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin ku tagay Dawrada ka soconaysa Jaamacada Bariga Afrika ee ay ay qabanayso Munadamada (Urur) Beder ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hawlo Dacwo oo Shiikhu uu u joogo Magaalada Gaalkacyo.

no images were found

Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)
Galkacyo,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online