Shirkii Fursadaha Ganacsiga ee Soomaliya oo Sweden lagu soo Afmeeray (Masawiro)

June 12, 2014 - Written by Editor

SAM_2282Stockholm:-Waxaa caasimada Sweden ee Stockholm ku soo dhamaaday shir ay soo qabanqaabisey Wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden kaas oo diirada lagu saarayay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo doorka ay ku yeelan karaan Shirkadaha Sweden iyo dalka Sweden labaduba.

Shirka waxaa 10-kii bishaan si rasmi ah u furtay haweenay Wasiirka Ganacsiga ka ah dalka Swden Dr. Ewa Björling oo khudbadii halkaas ay ka jeedisey si weyn ugu dheeraatay isbedelada dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaliya laga rajaynayo iyadoo ku boorisey shirkadaha Sweden inay kaalin muuqata ka qaataan horumariyaana xiriirka ganacsi ee ay la leeyihiin dalka Soomaliya.

Waxaa iyaduna halkaas ka hadashay madaxa Heyada horumarinta dibada ee Swden(SIDA) oo iyaduna ka faalootay mashaariicda horumarineed ee Hay’adoodu ka fulisay Soomaliya iyo kuwa hada u qorsheysan labadaba.

Waxaa sidoo kale dhinada DFS khudbad ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta Soomaalia Siciid C/laahi Deni oo aad u soo dhaweeyay in Shirkadaha Sweden ay kusoo dhawaadaan maalgashiga Soomaaliya isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaar la tahay wax walba oo u sahlaya inay shaqadooda iyo mashariicdooda fuliyaan,isagoo sheegay in sharciga maalgashiga dalka dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixin doono taasoo wadada u furi doonto in maalgashadayala badani ay kusoo dhawaadaan Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale iyaguna halkaas khudbado ku saabsan fursadaha Maalgashi ee ka jira maamuladooda halkaas ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Cali Axmed Faatax iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo soo bandhigay bandhig weyn ka hadlaya fursadaha Maalgashi ee ka jira Puntland iyagoo kusoo dhaweeyay cid walba oo danaynaysa maalgashiga Puntland inay si bilaa shuruud ah kusoo dhawaadaan dalka.

Wasiirka Madaxtooyada Jubaland iyo Xubno ka socday Rugta Ganacsiga Jubbaland ayaa iyaguna khudbado ka jeediyay halkaas.Waxaa iyaguna joogay wakiilo iyo masuuliyiin ka socday Shirkado ganacsi oo waawayn oo Soomaaliya ka yimid sida kuwa isgaarsiinta,korontada iyo qaybaha kala duwan oo kulamo iyo bandhigyo ku saabsan ganacsigooda halkaas kasoo jeediyay.

no images were found

Maalintii labaad waxaa wafidga Soomaliyeed ay booqashooyin muhiim ku tageen Shirkadaha Waaweyn ee Sweden sida Shirkada Ericsson oo kusoo wareejiyay mashaariic iyo tiknolojiyada ay doonayaan inay Somaaliya ka hirgaliyaan hadii ay helaan shirkado la shaqeeya.

Guud ahaan shirkaani waxuu muujinayaa sida weyn oo dowladaha barwaaqo sooranka ahi ay Soomaaliya u danaynayaan marka ay timaado dhinaca dhaqaalaha iyagoo dhamaantood ay ka muuqato inay arkaan fursado waaweyn oo dhaqaale oo Soomaaliya ka soo fool leh kuwaas oo cid walba aysan doonayn inay ka qado,Soomaliduna aysan weli rumaysan dahabka ay ku dul fadhiyaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online