Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Camey oo soo saaray war-saxaafadeed[Akhriso]

June 15, 2014 - Written by Editor

cameeyGaroowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/llaahi Camey ayaa waxaa uu uga hadlay qoraal ay soo saareen Safiiradda Soomaaliya ee dalalka Maraykanka, Ingriiska iyo Midowga Yurub waxaan ay uga hadleen warmurtiyeedkooda colaad ka soo cusboonaatay degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay degmada Taleex ay qabsadeen ciidamo ka tirsam S/land.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Camey ayaa waxaa uu jawaab u yahay war-murtiyeedkii ay soo saareen Safiirada USA, UK iyo EU oo lagu sheegay in uu jiro dhul ay isku haystaan maamuladda S/land iyo Puntland arrinkaas oo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland uu ku tilmaamay wax kama jiraan xaqiiqda ka fog.Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Camey ayaa mar kale waxaa uu ku eedeeyey maamulka S/land mid xiriiri la leh Al-shabaab ayna u fududeeyaan in degaano ka tirsan S/land ay gabaad ka dhigtaan xubno ka mid ah Al-shabaab marka ugu dambaysana ay u soo talaabiyaan Buuraha GalGala.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Camey ayaa waxaa kale oo uu shirkiisa Jaraa’id uu ku sheegay in xubnihii ka tirsan Al-shabaab ee qarax ka geystay Dalka Jabuuti ay Hargeysa ka tageen mana jirto ayaa yiri wax cadaadis ah oo ay dowladda S/land ay saaraan xubna ka tirsan Al-shabaab eek u sugan deegaanadooda.

Hoos ka eeg warsaxaafeedkii ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Camey

no images were found


 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online