Wasiirka Arrimaha dibadda oo la kulmay Madaxweynaha hey’adda TIKA,kana qeybgalaya Shir caalami ah.

June 20, 2014 - Written by Editor

IMG_6094Istanbul, June 20 , 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa xalay kulan gaar ah kula qaatay Magaalada Stanbul ee dalka Turkey Madaxweynaha hey’adda TIKA Dr. Serdar ÇAM oo ay ka wada hadleen howlaha horumarinta hey’adaasi ay ka fuliso dalka Soomaaliya iyo qaabkii lagu dardar gelin lahaa.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya , isagoo xusay in Shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga .

Dhankiisa , Madaxweynaha hey’adda TIKA Dr. Serdar ÇAM ayaa xusay in hey’adda TIKA oo kaashaneysa barnaamijyada horumarineed ee dowladda Turkiga ay ka hirgelin doonto Soomaaliya mashaariic wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu maanta kaga qeybgalayaa Magaalada Stanbul Shir caalami ah oo looga hadlayo horumarinta iyo caqabadaha ku horgudban , kaasoo qeyb ka mid ah Wasiirka uu shirgudoomin doono , waxaana lagu cazuumay Wasiira arrimo dibadeedyo , madax ka tirsan hey’adaha Qaramada Midoobey, diblomaasiyiin iyo wakiillo .

H.E. Dr. Abdirahman D. Beileh , waxa uu shirkaasi ku bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka banaan dalka Soomaaliya iyo baahida dowladdu u qabto mashaariic horumarin oo dhinacyo badan leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Stanbul ee dalka Turkey , ayaa waxa uu socdaal kaga yimid Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norwey , halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Wasiiro ka tirsan dowladda Norwey iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool oo uu ku booriyay inay midoobaan oo ay u howlgalaan dib u dhiska, horumarinta iyo maalgashiga dalka .
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda , si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan,taasoo kordhisay in dowladaha caalamka ay dib u howlgeliyaan Safaaradihii ay ku lahaayeen Caasimadda Muqdisho .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online