Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka dalka Burundi.[Masawiro]
June 15, 2014 - Written by EditorMogadishu, June 15, 2014- Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga MudaneAbdullahi Dool Mohamed ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa Safiirka dowladda Burundi u qaabilsan Soomaaliya ambassador Joseph Nkurunziza oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya,arrimaha la dagaalanka aragagaxisada, howlgalka nabad ilaalinta “AMISOM” iyo kaalinta Burundi ee howlaha bani’aadanimo ,samafal iyo tababaridda ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa kale oo ay kaga wada-hadleen horumarada iyo isbadalada ka soconaya gobolka iyo dunida inteeda kale.Kulanka ayaa ku dhamaaday jawi farxad oo reyn reyn leh .
no images were found
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations