Ardayda Machadka Al-furqaan ee Laascaanood oo deeq dhaqaale gaadhsiiyay Cusbitaalka Laascaanood.[Masawiro]

March 19, 2015 - Written by Editor

2Laascaanood:-Maamulka iyo ardayda wax ka barata Machadka Al-furqan ee magaalada Laascaanood ayaa saaka gaaadh siiyay deeq dhaqaale Cusbitalka guud ee magaalada Laascaanood gaar ahaa qaybta TB da oo ay bukaano badani Jiifaan.Deeqdan ayaa ahayd mid ay bixiyeen iskana ururiyeen Maamulka , Ardayda iyo Macalimiinta Machadka Al-furqaan ee culuumta shareecada iyo Barashada Luuqada Carbiyada.

Mar ay booqasho ku tageen saaka cusbitaalka guud ee magaalada Laacaanood ayey ku wareejiyeen maamulka cusbitaalka ,gaar ahaan qaybta TB da , deeqdan dhaqaale oo gaadhaysay 600 $ (Lix boqol oo dollar ), iyadoo oo uu goobta ka hadlay maamulaha Machadka Al-furqaan Sh.Yuusuf Haybe Ibraahim ,maamuluhu wuxuu sheegey inay ku faraxsan yihiin booqashada iyo taakulaynta dadka bukaanka ah ee  ku jira cusbitaalka , isagoo bulshadana ugu baaqay in ay ka qayb qaataan iskana kaashadaan Taakulaynta iyo caawinta dadka tabaalaysan.

Waxaa isagan goobta ka hadlay ganacsade C/Qani Aw-daahir Xassan oo ah gudoomiyaha gudiga quudinta bukaanka qaybta TB da ee cusbitaalka Laascaanood , isagoo sheegey in ay ku faraxsan yihiin aadna ay uga mahad celinayaan ardayda Machadka Al-furqaan , deeqdan ay soo gaadhsiiyeen Cusbitaalka.

Waxaaa isagana dhanka kale ka hadlay Dr Cabdi Buraale oo ah gudoomiyaha Qaybta TB da Cusbitaalka , isagoo ka waramay xaaladaha ka jira cusbitaalka , gaar ahaan qaybta TB da , ugana mahad celiyay maamulka , macallimiinta iyo ardayda machadka Al-furqaan deeqdan ay ugu deeqeen bukaanka jiifa cusbitaalka.

Ugu danbayntii , arintan ayaa ah mid muhiim ah oo uu ku tallaabsaday machadka Al-furqaan ayaa tusaale fiican u ah dhamaan hay’addaha waxbarasho inay ka qayb qaataan arrimaha bulshada ee kala duwan.

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online