Ciidanka AMISOM iyo kuwa Jubaland oo dib ula wareegay jasiiradda Kudhaa

March 22, 2015 - Written by Editor

juba_cidanKismaayo:-Taliska ciidanka AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxay ku sheegeen in ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo Ciidanka Jubaland ay maanta dib ula wareegeen jasiiradda Kudhaa oo 150 km dhinaca koonfur uga beegan magaalada Kismaayo.

Ciidanka Al Shabaab ayaa isaga baxay jasiiradda Kudhaa ka dib markii ay ka war heleen in ciidanka AMISOM iyo kuwa Jubaland ay ku soo wajahan yihiin jasiiradda Kudhaa . Aadan Koojaar Taliyaha ciidanka maamulka Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Juba oo kaashanaya kuwa AMISOM ee Kenya ay dib ula wareegeen jasiiradda Kudhaa iyada aysan wax dagaal ah uusan ka dhicin.

Diyaaradaha dagaalka ee kuwa Kenya ayaa duqeymo kala duwan ka geystay jasiiradda Kudhaa iyo nawaaxigeed oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay hogaanka kooxda Al-Shabaab ee ku aaday qabsashada jasiiradda Kudhaa.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online