Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo dhaqdhaqaaq ka wada gobalka Hiiraaan

March 19, 2015 - Written by Editor

baladweyneHiiraan:-Ciidanka DFS oo gacan ka helaya kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa maanta billaabay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyaga oo doonaya in ay furaan waddada isku xirta magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte.

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa wadada u galay intii ay sii socdeen ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaana uu iska horimaad uu ka dhacay deegaanka Luuq Jeellow oo dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa mudo dhan hal sano xayiraad ku hayey Degmada Buulo-burte waxaana gaajo iyo oon ugu dhintay gudaha magaalada qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Buulo-burte .

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa guulo ka sheegtay iska horimaadka ka dhacay deegaanka Luuq Jeellow oo dhinaca galbeed uga beegan Degmada Beledweyne waxayna ay sheegeen in ay dileen labo askari oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al Shabaab ayaan wili ka hadal iska horimaadka ka dhacay deegaanka Luuq Jeellow oo dhinaca galbeed uga beegan Beledweyne .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online