DFS oo soo dhaweysay Go,aanka Dowlada Sacuudi Careebiya ku Joojisay keenista Dalkeeda Dhuxusha.
March 14, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa ay uga mahadcelinaysaa Dowlada Sacuudi Careebiya go,aanka Taariikhiga ee ay dhawaan ku gaartay inay Joojisey keenista dalkeeda ee dhuxusha Soomaaliya laga soo gubay,taasoo jawaab u ah dhawaaqyo iyo codsiyo joogto ah oo mar walba Dowlada Soomaaliyeed ay ku doonaysey in la joojiyo dhoofsiga Dhuxusha,waxaa kale oo arin taani ay ka jawaabaysaa go,aanka Golaha Amaanka No.2182/ 2014 kaas oo si cad u mamnuucayay dhoofinta dhuxusha Soomaaliyeed.
Wasaarada X.Xoolaha Dhirta & Daaqa waxay rajaynaysaa in talaabada Dowlada Sucuudiga iyo Rugaheeda Ganacsiga ay gaareen inuu horseedi doono talaabooyin kale oo waxtar u leh iskaashiga labada dal iyo umadood ee walaalaha ah,Sacuudiga waa dalka ugu weyn ee Loo iibgeeyo xoolaha Soomaaliyeed talaabadaani waxay wax weyn ka tari doontaa tayada xoolaha Soomaaliyed ee Dibada u dhoofaya.
Hoos ka eeg warsaxaafadeed ka soo baxday xafiiska Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa DFS Saciid Ciid no images were found
A/cawaale
Halgan.net