DFS oo soo dhaweysay Go,aanka Dowlada Sacuudi Careebiya ku Joojisay keenista Dalkeeda Dhuxusha.

March 14, 2015 - Written by Editor

siciidMuqdisho:-Waxaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa ay uga mahadcelinaysaa Dowlada Sacuudi Careebiya go,aanka Taariikhiga ee ay dhawaan ku gaartay inay Joojisey keenista dalkeeda ee dhuxusha Soomaaliya laga soo gubay,taasoo jawaab u ah dhawaaqyo iyo codsiyo joogto ah oo mar walba Dowlada Soomaaliyeed ay ku doonaysey in la joojiyo dhoofsiga Dhuxusha,waxaa kale oo arin taani ay ka jawaabaysaa go,aanka Golaha Amaanka No.2182/ 2014 kaas oo si cad u mamnuucayay dhoofinta dhuxusha Soomaaliyeed.

Wasaarada X.Xoolaha Dhirta & Daaqa waxay rajaynaysaa in talaabada Dowlada Sucuudiga iyo Rugaheeda Ganacsiga ay gaareen inuu horseedi doono talaabooyin kale oo waxtar u leh iskaashiga labada dal iyo umadood ee walaalaha ah,Sacuudiga waa dalka ugu weyn ee Loo iibgeeyo xoolaha Soomaaliyeed talaabadaani waxay wax weyn ka tari doontaa tayada xoolaha Soomaaliyed ee Dibada u dhoofaya.

Hoos ka eeg warsaxaafadeed ka soo baxday xafiiska  Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta & Daaqa DFS Saciid Ciid

no images were found


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online