Dowladda Talyaaniga oo ku wareejisay Ciidamada Milateriga DFS 54 gaari oo kuwa ciidanka ah (Masawiro)

March 5, 2015 - Written by Editor

10Muqdisho:-Munaasabad balaaran oo lagu qabtay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wareejiyey ciidanka DFS agab milatari oo kala duwan waxaana deeqdaas siiyey DFS dowlada Talyaaniga

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa kala wareegay saraakiil ka tirsan ciidanka dalka Talyaaniga gawaari  hamuul ah oo lagu daadgureeyo ciidanka kuwaas oo gaaraya 54 gaari.

Taliyaha ciidamada DFS Jen Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe  ayaa sheegay in 54 gaari loogu talo galay ciidamada Booliska Mileteriga,iyo Nabadsugida wuxuuna mahad balaaran u jeediyey dowlada Talyaaniga.

Jen Bernando Mencaraglia oo ah sarkaal ka socday  wasaaaradda gaashandhiga Talyaaniga ayaa sheegay in gawaarida lagu wareejiyey maanta ciidanka DFS ay qeyb ka tahay balanqaad ay dowladiisa u fidisay ciidanka DFS.

no images were found

Wasaarada G/dhig Soomaaliya ayaa sanad ka hor heshiisyo kala duwan la soo saxiixatay wasaarada G/dhiga dowlada Talyaaniga waxaana ay ku heshiiyeen in laga taageero ciidanka DFS agabka kala duwan ee ciidanka u baahan yahay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online