Dr Axmed Jaamac Ismaaciil oo Jaamacada Nugaal ku soo Bandhigay Barnaamij Master Degree ah‏.[Masawiro]

March 17, 2015 - Written by Editor

IMG_0001~1Laascaanood:-Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil ayaa kulan qiimo badan la yeeshey ardaydii ka qalin jebisay Jaamacada Nugaal , gaar ahaan kulliyada shareecada iyo Luuuqada Carabiga . Dr ka oo ay weheli yeen qaar ka mida Diktoorada Jaamacada ka howl gala sida Dr C/Rashiid Maahir , Sh Ustaad Mukhtaar iyo Madaxa Xafiiska Diwaan gelinta ee Jaamacada Nugaal .

Sh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire oo awoowe u ahaa Abwaankii iyo Darwiishkii suugaanta cassriga ee qarnigii tegey Ismaaciil Mire ayaa  jeediyey Khudbad qiimo badan oo ku saabsan Nidaamka iyo heerarar tacliinta sare ee arday jaamacadeed uu wax kaga barto Jaamacada iyo shahaadoyina heerka sare ee Dilpoma , Bachelor , Master Degree iyo PhD.

Sidoo kale Dr ku wuxuu ka waramay waxyaabaha laga doonayo ardayga dhameeya shahaadada heerka koowaad Degree-ga iyo Dibloma oo ah koorasyo la socda Bachelor degree ga ee afarta Sano ku baxda.

Dr Axmed Jaamac Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixiyay barnaamij aqoon heer sare ah , taas oo ka kooban labo qaybood oo kala ah Diblome Luuqada carabiyada ku baxaya oo lagu baranayo Fiqhiga , Usuulu fiqhi Qawacid fiqhiyah , Siyaasada islaamka , hababka iyo nidaamka wax baadhida iyo shuruucdiisa , iyo Takahsus master degree ah.

Dr ku wuxuu sharaxaad dheeraada ka bixiyay waxyaabaha laga doonayo ardayga doonaya inuu diyaariyo tacliinta heer sare ah .
Jaamacada Nugaal oo dhawaan bilaabi doonta baraanimja Master Degree ah ayey fursad u siin doontaaa dad badan oo doonayey inay Master degree ga u doontaa Jaamacada ka baxsan wadan .

no images were found

Mawliidd Isma Haradigeed

Lascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online