Dufcadii 2aad oo ka qalinjebisay Mac-hadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya ee Bosaaso.[Masawiro]

March 13, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Boosaaso:-Munaasabad aad loo soo agaasimay oo ahayad mid lagu sagootinaayay dufcadii 2- aad ee ka qalinjisay Machadka barshada Culuumta sharciga iyo luuqada carabiga ee Ibnu Qayim Al-Jowsiya ayaa lagu qabtay hoolka shirarka  Amal Palaza ee magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari.

Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka Machadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya , ardayda waxkabarata machad kaasi, Hormuudka kuliyada shareecada ee Jaamacad Bariga Africa, Culima owdiin ,waaalidiin ,Haween iyo marti sharaf aad u badan .

Aayado Qur’aan ah markii xafladda lagu furay ka dib waxaa kalmad wacdi ah ka soo jeediyey Sh. C̷/raxmaan Bukhaari, wuxuuna ardayda ku dhiirri galiyey inay waxbarashada ku dadaalaan, wuxuuna muujiyey qiimaha  uu leeyahay qofka wax bartay.

Shiikh C̷/raxmaan Bukhaari oo hadalka sii wata ayaa kula dardaarmay ardayda qalin jabinaysa iyo dhamaan ardayda dhigata Machadka inay ku dhaqmaan waxa ay bartaan.

Maamulaha Machadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya Siciid Maxamed Diiriye ayaa intaas ka dib hadalka qaatay, waxaana uu ka warbixiyay Tariikhda Macadka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray machadku ,waxaana uu tilmaamay in Machadka la furay sanadka markuu ahaa 2010 islamarkaana ey tahay dufcadaan tii 2-da ee ka qalinjabisa Machadka.

Waxaa kale oo maamuluhu intaas ku daray in uu Machadku xubin ka yahay Dalladda Macaahida sharciga ee Soomaaliya oo ay ku midaysan yihiin Macaahida ku kala taal gobollada kala duwan ee dalka, sidoo kalena uu xiriir la leeyahay Jaamacada Bariga Afrika.

Hormuudka kuliyada shareecada ee Jaamacad Bariga Africa Ustaad Jaamac Maxamed Xassan oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeen hambalyo u diray ardayda qalin jabinaysa , isagoo talooyin wax ku ool ahna u soo jeediyey ardayda iyo waali diintaba.

Sh.Faarax Cajab gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ah ee Gobalka Bari ayaa dhankiisa aad ugu hambalyeeyey ardayda ka qalinjabisay machadka, isagoona kula dardaarmay in Cilmiga Sharciga ah ee ay barteen ay itqaaniyaan, kuna camal falaan, siina gudbiyaan, wuxuuna farta ku fiiqay in ardeyda qalin jabisay ay Dacwada dad u yihiin.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xaflada Ganacsade Maxamuud Qorane oo ka mid ahaa Waalidiintii xafladaasi isagoo sheegay inuu mahad celin gaar ah ujeedinaayo Macalimiinta iyo maamulka uu ku tilmaamay in dadaal weyn u galeen waxbarashada Ardaydan.

Ustaad C/qani Maxamed Nuur oo ka mid ah barayaasha macadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya, oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in Machad ka Ibnu Qayim Al-Jowsiya lagu bartay inuu soo saaro ardey ka dhisan Cilmiga sharciga iyo Culuumta Carabiga,isagoona kula dardaarmay Ardeyda qalin jabinaysa in ey siiwataan wax barashadooda ayna ka mira dhaliyaan dadaalkii mudada dheer ay soo wadeen.

Maxamed Salaad oo ku hadlay afka ardayda qalin jabinaysay kana mid ahaa ayaa ugu horeen mahad balaaran ujeediyay maamulka iyo barayaasha Macadka Ibnu Qayim Al-Jowsiya oo mudada dheer wax soo baraayay , tilmaamayna inay machadkan ka barteen aqoon diineed iyo mid maadiba ah. Gabagabadii ayaa ardayda qalin jabinaysa ay abaalmarino guddoonsiiyeen macallimiintii intaas wax soo baraysay.

no images were found

Mu’asasada Al-Minhaaj
Bosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online