Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Joogtada ah u furay kulan Howleed ku Aadan Diyaarinta Qorshayaasha Kalfadhiga 6aad.[Masawiro/Video]”

March 10, 2015 - Written by Editor

DSC_4662Ugand:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uga furay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulan howleed la xiriira dejinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmaya.

Kulan howleedkan oo socon doona mudo todobaad ah ayaa waxaa munaasabadda furitaanka kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa,Gudoomiyeyaasha Guddi yada Joogtada ah ee Baarlamaanka,mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Awepa oo kulan howleedkan fududeey neysa.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka kulan howleedkan ayaa ugu horeyn tilmaamay in xubnaha guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka laga doonayo iney dib u eegaan Shantii Kalfadhi ee Golaha Shacabka horey u yeeshay waxyaabihii qabsoomay iyo Kalfadhiga 6aad ee soo socda waxyaabaha la doonayo in muhiimad la siiyo isagoo dhanka kalena xusay in Guddiga looga baahan yahay iney xuquuq u dejiyaan mas’uuliyiintii horey xilalka uga degay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddiisa furitaanka ka jeediyey kulan howleedkan lagu dejinayo qorshe howleedka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka ayaa xusay in xubnaha guddiga Joogtada ah ay tahay iney sameeyaan ka baaraan degid la xiriira qorshayaasha hor u tebinta leh Kalfadhiga soo socda ee 6aad waxa uu si gaar ah u tilmaamay hirgelinta guddiyada madaxa bannaan ee lagama maarmaanka u ah hiigsiga 2016ka kuwaasi oo shuruucdooda Baarlamaanku horey u ansixiyey.

Kulan howleedkan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kulammo howleedyo,aqoon is weeydaarsiyo iyo aqoon kororsiyo magaalada Kampala uga soconaya guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya inta lagu guda jiro fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka taasi oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii ay kala saxiixdeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda bishii August sanadkii 2013.

no images were found

—DHAMMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online