Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS oo ka soo horjeestay kala dirka Golaha adeega Garsoorka.
March 15, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ka soo horjeestay go,aanka Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku kala diray Golaha adeega Garsoorka wuxuuna sheegay in aysan sharci ahayn.
Ceydiid Ilka Xanaf ayaa maanta Shirjaraa,id ku qabatay xafiiska maxakamada sare ee DFS ayaa sheegay in si qaldan madaxweynaha DFS loola taliyey ka dibna uu ku degdegay kala dirista Golaha adeega Garsoorka DFS.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sidoo ayaa sheegay in xaalada dalka uu ku jiro awgeed ay qalad tahay in la kala diro Golaha adeega Garsoorka wuxuuna sheegay in garsoorka uu ka mid yahay hay’adaha ugu sareeya ee DFS ee madaxa banaan.
Ceydiid Ilka Xanaf Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS ayaa ka digay kaligiis talis nimo wuxuuna ugu baaqay madaxda DFS in ay fiirsadaan go,aada ay qaadanayaan.
Madaxweynaha DFS xasan Sh Maxamuud ayaa digreeto ku kala diray Golaha Adeega Garsoorka dalka taas oo buuq ka dhex hurisay Madaxtooyada iyo Garsoorka .
A/Cawale
Halgan.net