Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS oo ka soo horjeestay kala dirka Golaha adeega Garsoorka.

March 15, 2015 - Written by Editor

ilka-xanaf2Muqdisho:-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ka soo horjeestay go,aanka Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku kala diray  Golaha adeega Garsoorka wuxuuna sheegay in aysan sharci ahayn.

Ceydiid Ilka Xanaf ayaa maanta Shirjaraa,id ku qabatay xafiiska maxakamada sare ee DFS ayaa sheegay in si qaldan madaxweynaha DFS loola taliyey ka dibna uu ku degdegay kala dirista  Golaha adeega Garsoorka DFS.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sidoo ayaa sheegay in xaalada dalka uu ku jiro awgeed ay qalad tahay in la kala diro Golaha adeega Garsoorka wuxuuna sheegay in garsoorka uu ka mid yahay hay’adaha ugu sareeya ee DFS ee madaxa banaan.

Ceydiid Ilka Xanaf Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS  ayaa ka digay kaligiis talis nimo wuxuuna ugu baaqay madaxda DFS in ay fiirsadaan go,aada ay qaadanayaan.

Madaxweynaha DFS xasan Sh Maxamuud ayaa digreeto ku kala diray Golaha Adeega Garsoorka dalka taas oo buuq ka dhex hurisay Madaxtooyada iyo Garsoorka .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online