Kooxda Daacish iyo Wareysigii 3aad Ee Abu Qataada Al-Falastiini.[Daawo Video-ga]

March 24, 2015 - Written by Editor

qadaataWadaadka lagu magacaabo Cumar Maxamuud Cismaan kuna magacdheer Abuu Qataada Al-Falastiini ayaa mar kale ka hadlay xaqiiqada kooxda Khawaarijta ee Daacish mar uu wareysi siiyey wariyaha Bilal Abdul Kareem gaar ahaan waraysiga qaybtiisa 3aad isagoo wax laga wiidiiyey in kooxda Daacish ay diideeen in Kitaabka Alle lagu kala baxo oo loo xukun tago ka dib markii dhamaan kooxihii kale ee ka dagaalamayey dalka Suuriya iyo Ciraaq ay is khilaafeen iyagoo xujo ka dhiganaya in ay yihiin dowladda Islaam ah ayna la hadlayn kooxo.

Cumar Maxamuud Cismaan kuna magacdheer Abu Qataada Al-Falastiini ayaa ku jawaabay markii aan maqlay hadlkaas anigoo ku jira xabsiga uuna ii sheegay Sh Maxamed Maqdasi in kooxda Daacish ay diideen in ay kooxihii kale wax ay isku hayeen loo bandhigo shareecad islaamka iyagoo qiil ka dhiganaya in ay yihiin dowladda Islaam ah ayaa yiri. ” Waa hadal uu xitaa uusan ku hadal qofka aqoonta diinta weli barashadeed ku dhex jira, anigoo is iri amaa hadlkaas ku khaldan yahay Abu Maxamed Maqdasi sababtu kuma fakarin in qof diin baranaya uu ku hadli karo hadalkaas Baadilka ah.”

Cumar Maxamuud Cismaan kuna magacdheer Abu Qataada Al-Falastiini ayaa yiri ” Sababta ay u diideen in Kitaabka Alle lagu kala baxo kooxda Daacish waxaa weeyey iyaga oo og in laga gar helayo sidaas darteedna waxaa ay arrinkaas ka dhigeen mid aan qiimo saas ah lahayn si ay arrintaas ka xeeladaysanaya waan ay og yihiin in ay geysteen qumaad iyagoo weliba gaalnimo ku tuuray kooxihii kale ee Islaamyinta ahaa ee ka dagaalamayey dalka Suuriya iyo Ciraaq.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa kale oo xusay heerka uu gaaray xadgudubka diineed ee Kooxda Daacish oo xitaa iyaga dhex dooda is gaalaysiiyey ilaa ay qaar ka mid ah ay gaalaysiiyeen hogaamiyahooda Baqdaadi ka dibna la dilay.

Cumar Maxamuud Cismaan kuna magacdheer Abu Qataada Al-Falastiini oo wax laga waydiiyey Afhayeenka kooxda Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa waxaa uu ku tilmaamay mid Jaahil ah oo dhiigyo cab ah isagoo xilkaas aan ku helin aqoon balse ku hellay dhiigyo cabnimo waan wax lagu arkay kooxaha in qof uu ku noqdo madax in uu yahay dilaa xanaaq iyo qaylo badane ah   waan wax ay jecel yihiin dad badan oo Jaahiliin ka ah diinta waqtiyadan danbe.

Mar wax laga wiidiiyey Koox joogta Khurazaan oo ku biirtay kooxda Daacish iyo wax ka dhalan kara ayaa waxaa uu xusay in Kooxda Daacish ay la soo baxday wajigooda runta ahaa iyagoo khilaaf ka dhex abuuray Muslimiinta iyo in awoodoodu burburto uuna mar walba  afhayeenkooda Cadnaani ku baaqay in kooxaha mujaahidiinta kale lala dagaalamo.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa ku tilmaamay xeerbeegta kooxda Daacish in aysan aqoon u lahay Axkaamta Islaamka sidda tan dhiiga, Furiinka iyo wax la mid ah balse ay u sahleen in xiriirka qofka iyo Eebe weyne  u dhexeeya ay kala gooyaan oo qofka ku xukumaan Gaalnimo.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa uu sheegay in jiritaanka Kooxda Daacish ay dan u tahay dowladda Maraykanka oo ururkii Dalibaan oo caalamka iyo Maraykankuba ay ka adkaan waayey loo adeegsan doono Kooxda Daacish iyagoo ku sheegaya Gaalo iyo Mushrikiin sidaas dateed buu yiri ”Kooxda Daacish waa koox lunsan oo jaahiliin ah ma aysan tegin wadan ilaa waxaa ay laayeen madaxdii Jihaadka , waa koox aan la aqoon madaxda Shuuradooda hogaamisa waana macquul in ay madaxdoodu ka mid yihiin xubno ka tirsanaa Xibigi Bacthiga ahaa  ee Sadaam Xuseen.”

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa uu ka mid yahay wadaada caanka ku ahaa gaaleysiinta iyo qiil u raadinta kooxihii ka dagaalami jiray dalka Al-Jeeriya gaar ahaan kooxdii Jamaaca Islaamiya waxaana ay kooxdaas dishay dad aad u badan oo ay ku jiraan culumadii ugu caansanaa dalka Al Jeeriya sida Sh Maxamed Saciida iyo culumo iyo ducaad badan. Halkaan ka eeg waraysiga qaybtii 1aad iyo 2aad

Ugu danbayntii  ayaa Abu Qataada Al-Falastiini si cad u sheegay in kooxda Daacish ay iibsato ama maal ku bixiso in kooxaha kale ay ku soo biiraan maadaama  aysan waxba haysan oo ay ku qasban yihiin halka shacabka dalka Suuriya ay wax ay cunaan ay la’ yihiin iyadoo  hogaamiyaha kooxda Daacish Baqdaadi uu haysto maal fara badan oo ka  furtay kooxaha kale ee dagaalka ka wada Suuriya iyo weilba cadowga Alle.

Hoos ka Daawo waraysigii qaybtii 3aad Abu Qataada Al-Falastiini VS Kooxda Daacish

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online