Maamulka Shirkadda Golis oo taageeray Ol’olaha la-dagaalanka Qaadka.[Masawiro]

March 9, 2015 - Written by Editor

614Boosaaso:-Mas’uuliyiinta ugu saraysa shirkadda Isgaarsiinta GOLIS Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan soo dhawayn hotelka Villeg Bosaso ugu qabtay Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Mudane Abuuker Cawaale ”Qaaddiid.” Kulankan ayaa muhiimadiisu u dhacaysay sida madaxda iyo shaqalaha shirkadda Golis ula dhacsan yihiin wacyi galinta la-dagalanka Qaadka oo ka bilowday deegaanada Puntland.

Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Siciid Aadan Goys ayaa ku ammaanay Abuukar Cawaale, dadaalka iyo juhdiga faraha badan ee uu ku bixiyay sidii qoysaska Soomaaliyeed looga bad baadin lahaa aafooyinka uu sababo qaadka, iyo olalaha uu hada Puntland ka bilaabay, wuxuna sheegay Golis inay garab taagan tahay wax kasta oo umadda Soomaaliyeed dani ugu jirto isla markasna ka difaacaya dhiibaatooyinka.

Kulankan sidoo kale waxaa goobjoog ahaa masuuliyiinta ugu saraysa Mu’asasada Al-Minhaaj, waxayna dhankooda sheegeen inay ka qayb qaadanayaan Olalaha joojinta Qaadka, maadama uu saamayn ku yeeshay nolasha dadka Soomaaliyeed, sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay ganacsatadda Soomaaliyeed inay dhankoodana taageero u muujiyaan.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuker Cawaale ”Qaaddiid” ayaa marka hore u mahad celiyay madaxda iyo shaqalaha shirkada GOLIS sida ay mar walba ugu heelan yihiin wax walba oo ay ku jirta danta dalka iyo dadkaba, sidoo kale Qaaddiid waxa uu masuuliyiintan uga waramay la-dagalanka Qaadka marxaladaha kala duwan ee uu kasoo maray iyo ujeedadiisa ka danbaysa in Soomaaliya Qaadka laga mamnuuco, wuxuu sheegay inay tusaalooyin ugu filan yihiin sida dowladdaha dariska la ah Soomaaliya maalin kasta u guranayaan dhaqaalaha umadda, iyadoona badalkeeda qaad dalka soo galiya.

Cawaale Qaaddiid sidoo kale waxaa uu u mahad celiyay Xawaaladaha AMAl, IFTIN,TAWAKAL, Jaamacadda Bariga Africa iyo Al-Minjaad , kuwaasoo dhammaan tood garab istaagan Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya. Shirwayne looga hadlayo Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa ayaa Arbacada lagu qabanayaa hoolka Jaamacadda Bariga Africa xarunteeda magalada Bosaso.

no images were found

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
Qaaddiid2015@gmail.com
DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online