Madaxweynaha Dawladda Puntland oo furay shirweynihii 2aad ee dib-u-eegista waxbarashada Puntland.[Masawiro]

March 15, 2015 - Written by Editor

IMG_0485Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-3-2015 si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha labaad ee dib u eegida Waxbarashada Dawladda Puntland.

Furitaanka Shirweynahaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, wasiiro iyo madax kale oo katirsan xukuumada Puntland, waxgarad, aqoonyahano, madax ka soctay hay’addaha caalamiga ah ee ka howl-gala Puntland, iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Wasaarada wabarashada iyo tacliinta sare ee Dawladda Puntland ku amaanay horumarka balaaran ee sanad gudihiis ay ku talaabsatay.

” Runtii wasaaradani waxay noo tahay wasaarad ku dayasho mudan marka la eeego shaqada ay hayso iyo guusha ay u soo hoysay Puntland, waana ku mahadsan yihiin halka wanaagsan ee ay maanta gaareen ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Hadii aynaan dadkeena waxbarin, hadii aynaan teknoolajiyad yeelan, hadii aynaan kaabayaasheena dhaqaalaha horumarin aqoon mahelayno, horumarna samaynmayno meelna ma gaarayno ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in xukuumada Puntland iyo Ganacsataduba iska kaashadaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada wax baratay si looga baxo shaqo la’aanta jirta.

” Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo in wasaarada waxbarashada sanadkaan dhaqaalaha ku darsano laba boqol oo Macalin (200) maadama loo baahan yahay in la kordhiyo macalimiinta” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Shirweynahaan labaad ee dib u eegida Waxbarashada Dawladda Puntland ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la soo gebagebeeyo, waxaana si qoto dheer loogu falanqeynayaa heerka horumarineed ee waxbarashada dawladda Puntland oo sanadba sanadka ka dambeeya horumar laga gaarayo.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online