Madaxweynaha DFS oo kala diray Golaha adeega Garsoorka Dowladda Federaalka
March 14, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh. Maxamuud ayaa kala diray Golaha adeega Garsoorka DFS waxaana wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya wareegtada ayaa u qornay sidan.
Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu kala diray Golaha adeega Garsoorka DFS
MARKUU GAROWSADAY: Baahida loo qabo in la dhiso gole adeeg garsoor oo waafaqsan qodobka 109A ee Dastuurka.
MARKUU ARKAY: Sharci lambar 28 ee soo baxay 8/7/2014 ee Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.
MARKUU TIXGELIYAY: Cabashada joogtada ah dadweynaha ee Cadaalad darada baahsan.
MARKUU TIXGELIYAY: Danta guud ee Cadaaladda.
Wuxuu xeeriyay:-
Qod. 1aad
Laga bilaabo taariikha uu Madaxweynaha saxiixo xeerkan waxaa la kala diray Golaha Adeegga Garsoorka Dalka ee aan dhismahiisu waafaqsaneyn Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo Sharciga dhismaha Golaha Adeegga.
Qod. 2aad
Xeerka ma saameynayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo iyagu xafiis ahaan uga mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka.
Qod.3aad
Xukuumadda iyo Golaha shacabka waa inay si deg deg ah u soo dhameystiraan Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.
Digreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.
Hoos ka Eeg Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud no images were found
A/cawaale
Halgan.net