Madaxweynaha DFS oo kala diray Golaha adeega Garsoorka Dowladda Federaalka

March 14, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh. Maxamuud ayaa kala diray Golaha adeega Garsoorka DFS waxaana wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya wareegtada ayaa u qornay sidan.

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu kala diray Golaha adeega Garsoorka DFS

MARKUU GAROWSADAY: Baahida loo qabo in la dhiso gole adeeg garsoor oo waafaqsan qodobka 109A ee Dastuurka.

MARKUU ARKAY: Sharci lambar 28 ee soo baxay 8/7/2014 ee Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

MARKUU TIXGELIYAY: Cabashada joogtada ah dadweynaha ee Cadaalad darada baahsan.

MARKUU TIXGELIYAY: Danta guud ee Cadaaladda.

Wuxuu xeeriyay:-

Qod. 1aad

Laga bilaabo taariikha uu Madaxweynaha saxiixo xeerkan waxaa la kala diray Golaha Adeegga Garsoorka Dalka ee aan dhismahiisu waafaqsaneyn Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo Sharciga dhismaha Golaha Adeegga.

Qod. 2aad

Xeerka ma saameynayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo iyagu xafiis ahaan uga mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka.

Qod.3aad

Xukuumadda iyo Golaha shacabka waa inay si deg deg ah u soo dhameystiraan Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.
Digreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka Eeg Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud

no images were found


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online