Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo
March 3, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisi uu hogaaminayo ayaa dhawaan ka degay garoonka diyaardaha ee magaalada Kismaayo.
Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay ka mid yhiin golayaasha dowladda, Saraakiil iyo Issimo ayaa saaka ka soo socdaalay magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.
Wafdiga madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaraha ee Kismaayo madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo ku xigeenadiisa iyo weliba masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweyn ka dib waxaa loo galbiyey madaxtooyada maamulka Jubbaland iyadoo halkaas uu kula hadli doono saxaafadda.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu
Cabdi Yare
Kismaayo