Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas oo ku wajahan Kismaayo.
March 3, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.
Socdaalka Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in casumaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha J/land Sh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe ).
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa saaka si weyn loo adkeeyey amaankeeda waxaana laga dareemayaa qabanqaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro ,xildhibaano ,Isimo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland .Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona madaxada Maamulka J/land .
Cabdi Yare
Kismaayo