Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Camey oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti.[Masawiro]
March 14, 2015 - Written by EditorMadaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-3-2015 Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kullanka uu Madax weyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Camey la qaatay Madaxweyne Dalka Jabuuti waxaa kala qeyb-galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamuud Xasan Soocade, Wakiilka Puntland ee Djabuuti Siciid Mahdi Cabdi, la taliyaha Madaxweynaha Puntland Cali Cabdi Awaare, xiriiriyaha xafiiska Madaxweynaha Puntland ee arrimaha macdanta Cabdicaziiz Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) iyo sidoo kale Ganacsade Mukhtaar Shanle.
Kullan gaar ah oo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane C/xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka walaalnimo ee u dhaxeeya labada dal iyo sidookale kor uqaadista xiriirka Ganacsi .
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Eng.Cabdixakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey ayaa madaxweynaha dalkaasi uga mahad celiyey soo dhaweynta balaaran uu u sameeyey, waxaana uu tilmaamay in dawladda Puntland ay ka go’antahay kor uqaadista xiriirka walaalnimo ee kala dhaxeeya dalka Jabuuti iyo hirgelinta hashiisyada lakala saxiixday.
Madaxweyne Camey ayaa sidookale madaxda Dawladda Jabuuti ku amaanay taageerada kala duwan ee ay Soomaaliya ufidiyaan sida sugida amniga qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland