Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Camey oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti.[Masawiro]

March 14, 2015 - Written by Editor

2Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-3-2015 Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kullanka uu Madax weyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Camey la qaatay Madaxweyne Dalka Jabuuti waxaa kala qeyb-galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamuud Xasan Soocade, Wakiilka Puntland ee Djabuuti Siciid Mahdi Cabdi, la taliyaha Madaxweynaha Puntland Cali Cabdi Awaare, xiriiriyaha xafiiska Madaxweynaha Puntland ee arrimaha macdanta Cabdicaziiz Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) iyo sidoo kale Ganacsade Mukhtaar Shanle.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane C/xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka walaalnimo ee u dhaxeeya labada dal iyo sidookale kor uqaadista xiriirka Ganacsi .

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Eng.Cabdixakiim C/llaahi Xaaji  Cumar Camey ayaa madaxweynaha dalkaasi uga mahad celiyey soo dhaweynta balaaran uu u sameeyey, waxaana uu tilmaamay in dawladda Puntland ay ka go’antahay kor uqaadista xiriirka walaalnimo ee kala dhaxeeya dalka Jabuuti iyo hirgelinta hashiisyada lakala saxiixday.

Madaxweyne Camey ayaa sidookale madaxda Dawladda Jabuuti ku amaanay taageerada kala duwan ee ay Soomaaliya ufidiyaan sida sugida amniga qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online