Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray degmada Rako Raaxo
March 25, 2015 - Written by EditorQardho:-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey ayaa maanta gaarey degmada Rako ee gobolka Karkaar waxaan halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliinta ka tirsan gobalka Karkaar iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah waxgaradka degmada Rako Raaxo.
Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa kaga hortay duleedka degmada Rako ee gobolka Karkaar Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey.
Ujeedada socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey ee degmada Rako ee gobolka Karkaar ayaa waxaa lagu sheegay in ay salka ku heyso sidii uu ugu kuurgali lahaa heshiiskii dhowaan ay gareen laba beelo oo walaalo ah oo ku dagaalamay degmada Rako Raaxo.
Odayaal ,Nabadoono iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ayaa iyagna socdaalka ku weheliya Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey .
Heshiiska ay gaareen labada beelood ee walaalaha ah ayaa waxaa uu ka kooban yahay 10 qodob waxaana heshiidka garwadeen ka ahaa dowlada Puntland
M_M Deeq
Halgan.net