Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray degmada Rako Raaxo

March 25, 2015 - Written by Editor

cameyQardho:-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey ayaa maanta gaarey degmada Rako ee gobolka Karkaar waxaan halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliinta ka tirsan gobalka Karkaar iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah waxgaradka degmada Rako Raaxo.

Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa kaga hortay duleedka degmada Rako ee gobolka Karkaar Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey ee degmada Rako ee gobolka Karkaar ayaa waxaa lagu sheegay in ay salka ku heyso sidii uu ugu kuurgali lahaa heshiiskii dhowaan ay gareen laba beelo oo walaalo ah oo ku dagaalamay degmada Rako Raaxo.

Odayaal ,Nabadoono iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ayaa iyagna socdaalka ku weheliya Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ENG Cabdixakiim Cumar Camey .

Heshiiska ay gaareen labada beelood ee walaalaha ah ayaa waxaa uu ka kooban yahay 10 qodob waxaana heshiidka garwadeen ka ahaa dowlada Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online