Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qayb-galay shir ku saabsan kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka (Masawiro)

March 9, 2015 - Written by Editor

IMG_9501Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-3-2015 Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qabtay shir ku saabsan kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka .

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha kala ah Wasaarada Caafimaadka Puntland, Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland, Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska , Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland.

Mudadii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka Puntland, daahfurida iyo in la dedajiyo qorshaha lagu howlgalinayo  inta uu socda barnaamijkaasi iyo sidii qaaraan loogu ururin lahaa nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka Puntland.

Barnaamijka kor u qaadida nafaqaynta hooyada iyo dayaa waxaa  si weyn uga faa’iidaysta 36-wadan, waana markii ugu horaysay ee laga hirgeliyo Soomaaliya waxaana si tijaabo ah looga fulinayaa guud ahaan Gobolada Puntland.

Dawladda Puntland iyo hay’addaha kala WFP, WHO, UNICEF, FSAU, USAID, NGOS Sicil Society Forum, Private Sector Forum, Academiand Research Institution ayaa si weyn isaga kaashanay hirgelinta iyo socodsiinta Barnaamijkaan.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in loo dhabar adaygo sidii loo hirgelin lahaa mashruucaan, maadama uu ku yimi dedaal dheer oo ay dawladda Puntland ugashay sidii Puntland looga fulin lahaa mashruucakani.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Camey ayaa ugu dambeyntii sheegay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo korna loo qaado nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka ee Puntland.

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online