Madaxweynihii hore ee PL Dr Cabdirahman Faroole oo ka tacsiyeeyey dilkii safiir Yuusuf Ismail Bari Bari.[Dhagayso]
March 29, 2015 - Written by EditorMadaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyey geeridii safiirkii Soomaaliya ee dalka Switzerland Yuusuf Ismail Bari Bari. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr C/raxmaan Sh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku booriyey madaxda DFS in ay sugaan amaanka dadka muhiimka u ah dowladda ee xilalka ka haya isagoo dhinac kale uga digay in dadka aan wax masuulyad ah ka hayn dowladda Federaalka Soomaaliya ay aadaan magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr C/raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa shaki ka muujiyey qaabka loo dilay safiirkii Yuusuf Ismail Bari Bari isagoo xusay in loogu yeeray shir ay yeelanayaan safaaradaha Soomaaliya ee caalamka ku yaal.
Ugu danbaytii ayaa Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr C/raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku booriyey madaxda dowladda federaalka Soomaalya in ay sugaan amaanka masuuliyiinta iyo shacabka ayna sameeyaan baaritaan qoto dheer.
Hoos ka Dhagayso Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr C/raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/atoniritde/faroole.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net