Dowladda Mareykanka oo Xayiraadii ka qaaday Sakariye Ismaaciil Xirsi

March 8, 2015 - Written by Editor

HersiMuqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhoweyneysa go’aanka dowladda Mareykanka ay liiska dadka madaxooda lacagaha abaal marinta dul dhigtey uga qaaddey Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano Zaki, kaas oo ka mid ah xubnaha ka soo goostey Al Shabaab ee la shaqeynaya dowladda.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysey wadaxaajood dhex marey dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo looguna abaalmariyo Zakariya Ismaaciil go’aanka uu qaatey ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab, iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al Shabab. Zakariya Ismaaciil waxaa uu si aan leexleexad lahayn bulshada Soomaaliyeed ugu muujiyey inuu shuruudahaasi buuxiyey, isagoo dhowr jeerna la hadley saxaafadda.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee saaxibada la ah dhanka iskaashiga dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa ay dowladda mar kale fariin u direysaa kuwa weli ku dhex xaniban ururka Al Shabaab ha noqdeen hoggaamiyeyaal ama dagaalyannada caadiga ah in haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta, isla markaana ay si cad u diidaan fikirka qalaad ee Al Shabaab, in markaasi la siin doono fursad ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa dowladda ay balanqaadeysaa inay taageero u fidin doonto hoggaamiyeyaasha ama maliishiyaadka Al Shabaab ee soo goosta si ay dib ugu soo biiraan shacabka, iyadoo isla markaana ay dowladdu iyadoo ka wakiil ah ay u ololeyn doonto in laga saaro liiska argagixisada caalamka ama kan Soomaaliya, sida haatanba ay ugu ololeysey Zakariya iyo Sheekh Atam. Dowladda waxay kaloo fareysaa xubnahaasi Al Shabaab ka tirsan ee doonaya inay soo goostaan in dowladda ay mar walba diyaar u tahay, go’aankooda la dhegeysan doono, la soo dhoweyn doono, taageerana loo fidin doono.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online