Maxkamada ciidamada DFS oo saaka dil ku fulisay labo Askari
March 24, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamada ciidanka DFS ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka DFS kuwaas oo si bareer ah dil u geystay .Labada askari ee dilka saaka lagu fuliyey ayaa waxay kala yihiin Cabdi Raxmaan Ciise Axmed oo 20 jir ah oo si bareer ah u dilay Siciid Dhiblaaawe Siyaad iyo Cabdulaahi cali Cabdi Cigaal oo isna si ula kac ah u dilay Xuseen Cabdi Iyo Sahro Sheikh Cumar .
Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada DFS C/laahi Xuseen Maxamed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in labada eedeysane ee la toogtay ay ka tirsanaayeen ciidanka DFS ayna geysteen dil bareer ah ka dib markii baaritaan ay ku sameeyeen uu danbigu ku cadaaday.
A/Cawale
Halgan.net