Mu’assasada Al-minhaaj Galdogob oo daahfurtay barnaamijka wanaag farista.(Masawiro)
March 16, 2015 - Written by EditorGaldogob:-Habeenimadii jimacadu soo galaysay ee ku beegnayd 12/3/2015 ayey Mu’assasadu daahfurtay barnaamij muhiim ah mudo dheerna Mu’assasadu diyaarinaysay.
Xumaanta oo la reebo iyo wanaaga oo la faro waxay badbaado u tahay umadda sida ku cad diinta islaamka hadii aan loo istaaginna waxaa imaan kara halaag soo degdega.
Mu’assasada oo ku howlanayd dhawaanahaan abaabulka dacwada iyo khayrka ayaa barnaamijkaan ugu talogashay inay ku badbaadiso umada.
Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galdogob ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey barnaamijkaan si fiicana uga soo qaybgalay, Mu,assasada ayaa u diyaarisay gaari NOHA ah oo lagu fududeeyo wuxuuna barnaamijku leeyahay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin:-
1-Wacyigalin laga samaynayo Masaajida, idaacadaha, tuulooyinka, makhaayadaha iyo goobaha bulshadu isugu timaado.
2-Xiriir lala sameeyo Maamulka, Guurtida, Nabadoonada iyo dhammaan qaybaha bulshada iyadoo lala kaashanayo hawlaha ayaga khuseeya ee barnaamijkaan la xiriira.
no images were found
3-Diyaarinta daraasado cilmiyayasan oo ku wajahan xumaanta ka jirta deegaanka iyo in toog hayo hadba wixii soo kordha.
4-Inay Mu’assadu noqoto xarun dhexe oo dadku kala soo xariiraan hadba wixii xumaan ah oo deegaanka kusoo kordha.
Si kastaba ha ahaatee barnaamijkaan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan oo Mu’assasadu hal-abuurtay.
Mu’assasada Al-minhaaj
Galdogob