Mu’assasada Al-minhaaj Galdogob oo daahfurtay barnaamijka wanaag farista.(Masawiro)

March 16, 2015 - Written by Editor

20141023_110121Galdogob:-Habeenimadii jimacadu soo galaysay ee ku beegnayd 12/3/2015 ayey Mu’assasadu daahfurtay barnaamij muhiim ah mudo dheerna Mu’assasadu diyaarinaysay.

Xumaanta oo la reebo iyo wanaaga oo la faro waxay badbaado u tahay umadda sida ku cad diinta islaamka hadii aan loo istaaginna waxaa imaan kara halaag soo degdega.

Mu’assasada oo ku howlanayd dhawaanahaan abaabulka dacwada iyo khayrka ayaa barnaamijkaan ugu talogashay inay ku badbaadiso umada.

Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galdogob ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey barnaamijkaan si fiicana uga soo qaybgalay, Mu,assasada ayaa u diyaarisay gaari NOHA ah oo lagu fududeeyo wuxuuna barnaamijku leeyahay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin:-

1-Wacyigalin laga samaynayo Masaajida, idaacadaha, tuulooyinka, makhaayadaha iyo goobaha bulshadu isugu timaado.

2-Xiriir lala sameeyo Maamulka, Guurtida, Nabadoonada iyo dhammaan qaybaha bulshada iyadoo lala kaashanayo hawlaha ayaga khuseeya ee barnaamijkaan la xiriira.

no images were found

3-Diyaarinta daraasado cilmiyayasan oo ku wajahan xumaanta ka jirta deegaanka iyo in toog hayo hadba wixii soo kordha.

4-Inay Mu’assadu noqoto xarun dhexe oo dadku kala soo xariiraan hadba wixii xumaan ah oo deegaanka kusoo kordha.

Si kastaba ha ahaatee barnaamijkaan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan oo Mu’assasadu hal-abuurtay.

Mu’assasada Al-minhaaj
Galdogob

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online