Ra’iisul wasaaraha DFS Sharmaake oo la kulmay dhigiisa Itoobiya Hailemariam.[Masawiro]

March 9, 2015 - Written by Editor

rwetAddis Ababa, Isniin, 9 March 2015 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Dr.Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah maanta ku yimid dalka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatray Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha dalalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa ku weheliya booqashadiisa xubno ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaan dhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, Mudane Axmed Cabdisalaan, Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, Marwo Khadija Al-Maqsumi, Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo La taliyayaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cumar ayaa uga mahad-celiyay dawladda Ethiopia sida ay gacan uga gaysato xasiloonida Soomaaliya, waxa uuna ka warbixiyay dadaalka ay dawladdu ugu jirto xasiloonida iyo dhismaha hay’adaha dawladda si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan Adeeg yada Bulshada ee muhiimka ah, isagoo ka hadlay arrimaha ay kamid yihiin dhismaha Maamuladda Gobollada, aas-aaska guddiyada laf-dhabarka u ah hiigisiga 2016, dhamaystirka sharciyada, la-dagaalanka argagixisada iyo dardar-galinta dhismaha ciidanka iyo tababar kooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid oo la hadlay saxaafadda kadib kulankii uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn waxaa yiri: “Waxaan sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada nagala dhexeeya dawladaha aan dariska nahay oo Ethiopia ay kamid tahay ee siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Soomaaliya waxaa ay ku socotaa wadadii dib-u-kabashada iyo dhismaha dawlad dib-u-soo celisa kala danbayntii iyo adeegyadii bulshada, waxaan uga mahad celinayaa dawladaha aan saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Ethiopia ay kamid tahay sida ay noogu garab taagan yihiin dadaaladaasi aan wadno ee xasiloonida dalka iyo qorsha hiigsiga 2016.

“Booqashadan rasmiga ah waxaa ay qayb ka tahay socdaalo aan ku mari doono dalalka dariska iyo saaxiibka la ah Soomaaliya si aan u dar-dargalino xiriirka iyo iskaashiga aan la wadaagno dalalkaasi, kana qayb qaataan in aan gaarsiino dalka Soomaaliya, xasilooni, dib-u-dhis iyo horumar la taaban karo iyo in dadka Soomaaliyeed ay ku midoobaan, uguna istaagaan sidii mar kale ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Dr.Cumar Cabdirashiid ayaa marka uu soo gaba-gabeeyo booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Ethiopia waxaa uu sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagi doonaa dalka aynu walaalaha nahay ee Djibouti.

no images were found

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online