Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Djibouti.

March 12, 2015 - Written by Editor

FB_IMG_1426155414475Djibouti:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta booqday xarunta cusub ee Baarlamanka Djibouti ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti Mudane, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka isagoo kala hadlay xiriirka labada dawladood ee walaalaha ah iyo gaar ahaan wada shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee dalka Djibouti,Mudane Maxamed Cali Xumad xilka loo magacaabay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in uu uga tacsiyaynayo Dawladda iyo Shacabka Djibouti geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Idriss Arnaoud Ali, Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka dalka Djibouti.

Ra’iisul Wasaare Cumar cabdirashiid waxaa uu yiri:
“Farxad ayay ii tahay maanta in aan soo booqdo dhismaha cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay. Waxaa jira guddiyo baarlamaan oo ka tirsan labada dal, kuwaasi oo si xoogan uga shaqeeya in wada-shaqayn buuxda ay yeeshaan mudanayaasha baarlamanka isla markaana ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibrado loogu adeegayo shacabka labada dal.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Baarlamanka iyo Shacabka Djibouti taageerada ciidan ee ay u fidiyeen dalka Soomaaliya. Dawladda iyo Shacabka Djibouti waxaa mar walba ay la garab taagnaayeen Soomaaliya taageero hiil iyo hooba leh tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta carta ee dawladda Djibouti ay martigalisay, waana sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada u dhaxeeya labada dal.”.

—DHAMAAD—
Ridwaan Haji Abdiwali
Afhayeenka Xukuumadda,
Djibouti, Djibouti

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online