Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya DFS oo gaaray Kismaayo (Masawiro)

March 10, 2015 - Written by Editor

4Kismaayo:-Safiirka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u qaabilsan DFS Mohamed Al-Othman ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose .

Wafdiga Danjiraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u qaabilsan DFS Mohamed Al-Othman ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan Maamulka J/land.

Danjire Mohamed Al-Othman ayaa waxaa uu kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland iyo xubno ka tirsan labada gole waxaana intaas ka dib uu kormeer ku tagay xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo gaar ahaan Dekadda magaalada Kismaayo.

no images were found

Safiirka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u qaabilsan DFS Mohamed Al-Othman ayaa u balan qaad kala duwan u sameeyey Maamulka J/land waxayna sheegay inay dowladiisa ka taageeri doonaan Maamulka J/land dhanka amniga, mashaariicda badan , dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka dadka tabaaleysan.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online